Fadumo Omar Mohamed
Waa Gabadh Somaliyeed oo ku takhakhustay cilmiga afta iyo casaabta (Counsellor Psychotherapist) una madax-banaan latalinta khaaska ah ee dakka xanuunka dhimirka qaba ama dakka haya dakka dhimirka ka xanuusanay.
Waxay ka tirsantahay kana rajistergaraysantahay organisationka loo yaqaano British Association for Counselling and Psychotherapy MBACP (Accred).UKRCP Registered independent Counsellor
- Miyay dhibaato kaa haysataa nolosha guud ahaan iyo gaar ahaanba?
- Miyaad marwalba werwersantahay (Anxious)?
- Miyaad ka werwersantahay waxyaabo fara badan oo kala duwan.
- Miyey kugu adkaaday sidii aad wax uga qaban lahayd dhibaatooyinkaa nolosha kaa haysta ee werwerka kugu abooray?
- Miyaad cadho badantay?
- Miyaad is ka ooydaa adoon garanay waxaad u ooyeyso ama kaa oohiyey markaas?
- Miyaad dhibsataa in aad dadka dhexgasho? Ama ay dadku kula hadlaan
- Miyaad isla hadashaa?
- Miyaad seexan kari waydaa habeenkii – oo hudadu kaa yaraatay
- Miyay ku haysataa dhibaato balwadeed oo noloshaadii burburinaysa? (Qaad, Khimri, Shishad, Sigaar, Nuugitaanka Xashiishada iwm)
- Miyaad la diiqdaysantahay oo aadku keliyeysatay dhibaatadaada?
- Dhibaatooyinka noloshu way farabanyihiin: xaga guriga, caruurta, ninka or xaaska, qurbaha iyo dhibaatadiisa, la qabsiga nolosha qurbaha, caafimaadka jirka, maskaxda iyo nafta, siyaabo farabadan oo aan la soo koobikarin ayaa dhibaato nafta iyo casaabta u gaadhi kartaa. Kuwaa aan korku sheegnay oo dhamina waa ka mid iyo qaarbadan oo kale.
- Waxaa iyaduna dhibaatooyin aan la soo koobikarin keenay xiligan aan ku jirno waa xanuunka (Caabuqa) – COVID-19, guri ku xidhnaan, guri ku shaqayn, guri school ah, waxaas oo dhami cadaadis (stress) nafta iyo casaabta ah bay keenayaan.
Dhibaatooyin farabadan baa sida keliya ee laga bixi karaa tahay in si gaar ah looga hadlo, waayo (1) Waa wax kuu khaas ah oo cidwalba kalama hadli kartid (2) Maha wax daawooyin dawaynayaan, waa dhibaato nafta haysata, oo sida keliya ee aad kaga bixi kartaa tahay in aad ka hadasho.
Waxaan kuu balan qaadayaa in aad wax kasta oo dhib ah oo ku haysta aad kahashid, la talintaydu waa mid ku fadhida sharciga latalinta gaarka ah (strictly confidential) waxaan kaa la shaqaynayaa sidii aad dhibaatadaa uga bixi lahayd.
Marka dhibaatooyinka iyo nolosha werwerkeedu ka yaraado, waxaad dareemaysaa farxad nafsiyan ah, waxaad arkaysaa adigoo noloshaadii iyo sidii aad dadka ula dhaqmaysay wax ka bedalay, waxad arkaysaa adiga wax qabadkaagii badiyey.
Talasiintan Af Somali iyo Arabic ba waan ku bixiyaa, waan jecelahay in aan dadkayga caawiyo wixii awoodayda ah. Haddii aad u baahantay tala siintaa, waxay noqon kartaa mudo xadadan waxay, no qonkartaa waqtidheer, waxay ku xidhnaankartaa dakhligaaga (your income).
Hadaad faahfaahin intaa kabadan u baahantahay igala soo xidhiid (07985439605):For further information, please contact me by: Telephone: 07985439605